Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Xukun Dil Ah Ku Ridey Shan Eedeysane Oo Loo Heystay Kufsi Wadareed Ka Dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridey shan eedeysane oo loo heystay kufsi wadareed ka dhacay magaalada Gaalkacyo 22 bishii Feberaayo.

maxkamad.jpg

Maxkamadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay magacyada eedeysanayaasha oo dhammaantood ah dhallinyaro, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ,Maxamed Xareef Faarax oo suxufiyiinta Garoowe kula hadlay uu sheegay afar ka mid ah eedeysanayaasha in lagu qabtay magaalada Qardho oo ay u baxsadeen halka eedeysanaha shanaad ciidanka amniga ay ku qabteen magaalada Gaalkacyo.

Xukunkan lama xidhiidho kiista gabadhii 12 jirka ahayd ee u geeryootay kufsi iyo jir dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo, waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda, Maxamed Xareef Faarax oo kiiska wax laga waydiiyay uu sheegay inuu socdo baaritaan.

Hoos ka akhri magacyada eedeysanayaasha dilka lagu xukumay:

20193263687099080727133953147912_6299049

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this