Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaafiic Lagu Weeraray Villa Somalila

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in madaafiicdan ay ahaayeen illaa Shan, waxaana qaarkood ay ku dhaceen gudaha Villa Soomaaliya.

Qaar kale oo madaafiicdan ah ayaa ku dhacay xaafado ku dhow Villa Soomaaliya, lamana oga illaa iyo hadda khasaaraha nafeed ee ka dhashay madaafiicdan.

Sidoo kale, mid ka mid ah madaafiicdan ayaa la sheegay inuu ku dhacay xarunta wasaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo ku taalla dhabarka dambe ee Tiyaatarka qaranka.

Ciidamada ammaanka ayaa ku baxay meelaha lagu tuhunsan yahay in madaafiicdan laga soo tuuray.

Magaalada Muqdisho ayuaa waxaa kusoo badanaya falalka amni darri, xilli ciidanka dowladda ay wadaan howlgallo ballaaran oo ammaanka lagu sugayo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this