Deeq A. Posted March 2, 2019 Baardheer (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa ku warramaya in saaka aroortii hore ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay isaga baxeen deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegay in ay u raqaansadeen dhanka deegaanka Giriley oo dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya. Faxfaxdhuun oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa 80 KM galbeed ka xiga magaalada Baardheere, waxaana todobadii sano ee la soo dhaafay ku sugnaaa ciidamada Kenya iyo kuwa milatariga Soomaaliya. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankan, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay hareereeyeen deegaanka Buusaar oo 40 KM u jira Faxfaxdhuun halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda. Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda ayaa ka socda hakaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites