Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ururka Midowga Africa ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Wakiilka ururka Midowga Afrika ahna, madaxa howlgalka AMISOM ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xunyahay weerarkaasi.

Ambassador Francisco Madeira ayaa xusay in weerarkii Muqdisho ka dhacay uu khasaaraha ba’an u gaystay shacab aan wax galabsan.

Waxaana uu intaasi ku daray in howlgalka AMISM uu sii wadi doono taageerada uu siiyo dowadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku cambaareysay weerarkii maalin ka hor lagu qaaday waddada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in uu si weyn ugu naxay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo dad badan AY ku dhinteen, kuwo kalena AY ku dhaawacmeen.

Weerarkan oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Al Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 40 Qqof, halka ku dhaawacmeen in ka badan 80 kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this