Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo xukuntay nin dil iyo Kufsi ka geystay G/Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Maxkamadda degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeysane Maxamuud Cali Xaamud oo 28-kii bishii koowaad ee sanadkan fal kufsi iyo dil u geystay Marxuumad Xaliimo Cali Macalin Saalax.

Falkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Yacubley oo 8 km u jira magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Sheekh Maxamed C/raxmaan Aamusane oo ah guddoomiyaha maxkamaddaasi ayaa ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Xukunka maxkamadda Garbahaarey ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka ay ka dhacayeen falal kufsi ah, iyadoona ay ugu dambeysay dhacdadii Gaalkacyo ee lagu kufsaday, laguna dilay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/cod-turki.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this