Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka G/Banaadir oo deeq gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay weerarkii Maka Al-Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, kadib markii loo fidiyay daryeel caafimaad .

Dadkan oo ah kuwa rayid ah ayaa waxa ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay weerarkaasi.

Mar aan booqanay isbitaallada Muqdisho ayaa waxaan kula kulmay qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah, iyaga oo Shabelle uga warbixiyay xaaladdooda caafimaad.

Dhinaca kale maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay tirada guud ee dhaawacyada la dhigay isbitaalkaasi.

Madaxda caafimaadka isbitaalka Madiina C/qaadir Qalinle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 34 ruux oo dhaawcyo ah iyo 11 qof oo Meydad ah.

Geesta kale guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee G/Banaadir Marwo Basmo Caamir oo booqatay isbitaallada Madiina iyo Digfer ayaa dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaalladaasi gaarsiisay deeq lacageed, iyadoona tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadaasi.

Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka Soomaaliya C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa sheegay in XFS ay garab taagnaan doonto dadka waxyeeladu soo gaartay, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this