Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo dib u celisay in ka badan 2000 oo Qaxooti Ethiopian ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa todobaadkii tegay dalkooda dib ugu celisay in ka badan 2000 kun oo qaxooti Ethiopian u badan qowmiyadda Oromada sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegayaa in Qaxootigan badankooda laga qabtay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland xilli ay doonayeen in ay uga sii tahriiban dalalka carabta gaar ahaanna waddanka Sacuudi Carabiya.

Dowladda Puntland ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku amartay in dadkaasi dib loogu celiyo dalkoodii si looga badbaadiyo khatarta ay naftooda ku halligayan ee tahriibta maadaama ay tiro badan ku raacaan doomo iyo laashash yar yar taasoo keenta shilal khasaare geysta.

Hawlgalka lagu dib loogu celinayo soogalootiga Ethiopian-ka oo bilowday todobaadkii hore ayaa weli ka socda gudaha Boosaaso iyo tuulooyinka hoostaga ee ku teedsan xeebta badda Cas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Puntland oo dib u celisay in ka badan 2000 oo Qaxooti Ethiopian ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this