Deeq A. Posted March 2, 2019 Goordhow waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku soo dhacday tiro madaafiic ah. Ilaa 3 madfac oo ah qoriga loo yaqaano hoobiyaha ayaa ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Madfaca 1-aad ayaa waxaa uu ku dhacay dabaqa sare ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya. Madfaca 2-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xarunta guddiyada Baarlamaanka ay ku shaqeeyaan ee la yiraahdo Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex taala. Ugu dambeeyntii madfaca 3-aad ayaa waxaa uu ku dhacay xafiis ay guddiga doorashooyinka ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya. Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi iyo waliba halka laga soo tuuray midna. Al-Shabaab ayaa madaafiic iyo qaraxyo ku weerartay xarumaha dowlada ee Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Puntland Post, Muqdisho office The post Madaafiic ku dhacday xarunta madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites