Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo madaafiic ku garaacay Villa Somalia iyo hareeraheeda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa ku Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Hey’adaha dowladda.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlay Xaafadaha ku hareeraysan Madaxtooyadda Villa Somaliya, halkaasi oo qaarkood hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Illaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo hareeraheeda, waxaana ay saameeyeen qaar ka mid ah xafiisyada madaxda iyo wasaaradaha.

Saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad, hal madfac ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka iyo madfac kale oo madaxtooyada gudaheeda ku dhacay.

Sidoo kale, madaafiicda qaar waxey ku dheceen meel aan ka fogeyn madaxtooada, sida dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee tiyaatarka qaranka.

Lama oga Khasaaraha ay sababeen hoobiyeyaasha oo dadka si wayn uga argagaxeen, iyaga oo dadka horay uga argagaxsanaayeen qaraxyadii & dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen dhismayaal ku yaal Wadada Maka Al-Mukarama.

Illaa iyo hadda lama hayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdan, hase yeeshee waxaa sawirro aan helnay muujinayaan madaafiicdii ku dhacday xarunta wasaaradda ganacsiga.

WhatsApp-Image-2019-03-02-at-5.43.58-AM. WhatsApp-Image-2019-03-02-at-5.44.04-AM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this