Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa ka shaqeeyey kulanka la filayo inay Farmaajo iyo Uhuru ku yeeshaan Uganda?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda si ay uga wada-hadlaan isku dayga Kenya ee boobka Badda Soomaaliya.

Labada hogaamiye ayaa ka qayb-galaya furitaanka Shirka, Africa Now Conference oo lagu wado in la qabto 12-ka bishaan waxaana marti gelin doonto dowladda Uganda.

Warbaahinta Uganda ayaa qoreysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu xaqjiiyey in uu ka soo qeyb geli doono Shirweynahaasi oo uu marti-gelinayo Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni.

Awel Uwihanganye oo ah Agaasimaha Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika oo shirkan qaban qaabisay ayaa xaqiijiyay in Farmaajo iyo Uhuru ka qeyb galayaan shirkaasi oo soconaya inta u dhexeysa 12-ka ilaa 13-ka Bishan Maarso.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Tanzania, Saamiya Xasan Suluhu ayaa kamid ah dadka ka qayb-galaya Shirkaasi. Sidoo kale Madaxda lagu casuumay Shirweynahaasi waxaa ka mid ah  Madaxweynayaasha dalalka Masar, Rwanda, Koonfuer Afrika iyo Kenya, inkastoo aysan weli xaqiijinin inay ka soo qeyb geli doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta uu wax ka wado Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray 16-kii bishii hore, kaddib Kenya ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu dalkiisa ku laabto, waxaana hakad ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo ku hanjabtay dowladda Kenya inay cunaqabateyn ku soo rogeyso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this