Sign in to follow this  
Deeq A.

Warqaddii KENYA oo shaki abuurtay kaddib markii ay iska indho-tirtay Farmaajo lana hadashay R/W Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shalay warqad tacsi ah usoo dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ka fulisay dhismooyin ku yaalla Maka Al-Mukarama.

Si kastaba, qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa abuuray su’aal kadib markii tacsida loo diray ra’iisul wasaare Kheyre, laguna soo hadal qaadin madaxweyne Farmaajo.

Marka waddan tacsi loo diray ama hambalyo, waxaa caadiyan lagu hagaa mas’uulka uga sarreeya waddanka, kaasi oo ah madaxweyne Farmaajo, marka ay timaado Soomaaliya.

Haddii wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ay qoraalka u diri lahayd dhiggeeda Soomaaliya, waxay noqon lahayd arrin kale oo qiil loo yeeli karo, hase yeeshee Kenya ayaa qoraalkeeda ku muujisay in Kheyre uu dalka ugu sarreeyo.

Ma cadda sababta ay Kenya u sameysay arrintan, hase yeeshee waxaa jira khilaaf Farmaajo iyo Kenyatta ka dhaxeeya oo la xiriira sidii loo beddeli lahaa Axmed Madoobe, taasi oo Kenya ay diiday kadib markii Farmaajo dalbaday.

Waxaa sidoo kale macquul ah in arirntan ay tahay xeelad Kenya isaga horkeeneyso madaxda Soomaaliya, isuguna dayeyso inay ku kasbato ra’iisul wasaare Kheyre, xilli ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad diblomaasiyeed.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Kenya

1- Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxa ay iyadoo xanuun qoto-dheer dareemeysa tacsi tiiraanyo leh u direysaa xukuumadda iyo shacabka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib weerarkii argagixiso ee musiibada ahaa ee laga fuliyay Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. heinous

2- Falalkan argaggixiso waxay khatar isku mid ah ku yihiin shacabka labadeenna waddan, waxaana hoosta ka xarriiqeynaa sida loogu baahanyahay inaan si dhow oo wada jir ah uga wada shaqeyno, innagoo kaashaneyna istiraatiijiyadda xulafadeenna, sidii loo wajihi lahaa dagaalka argagixisada iyo xagjirnimada qalalaasaha wadata, si aan ula tacaalno ugana adkaanno halistan isla markaana ugu baddalno nabad iyo amaan.

3- Maadaama uu yahay dal aan walaalo nahay, waxaan naxariis iyo dhimrin u muujineynaa isla markaana garab taagan nahay qoysaska soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuweenna, waxaana uga tacsiyeyneynaa geerida dadkii ay jeclaayeen ee iyagoo aan waxba galabsanin noloshooda ku waayay weerarkan naxdinta leh.

4- Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya waxay tacsida u gudbisay Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna u xaqiijisay sida ay Kenya diyaar ugu tahay iney sii xoojiso wada shaqeynteeda la xiriirka dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

D0lEvYKW0AE7hPB.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this