Deeq A. Posted March 2, 2019 Korneel Shariif Roobow oo ah khabiir dhanka ammaanka ah ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay in mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay qaadaneyso wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Korneel Shariif in dowladda federaalka looga baahan yahay iney la timaado siyaasad amni oo ka duwan midda hadda ay wax ku hagto. Sidoo kale, Roobow ayaa ugu baaqay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow in uu xilkaasi iska casilo, islamarkaana warqaddiisa ruqsada u geeyo ra’iisul wasaare Kheyre. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/SHARIIF-ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites