Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo shaacisay tirada dadkii ku dhaawacmay weerarkii hoteel Maka Al-Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiirkar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay tirada dadkii ku dhaawacmay weerarkii xooganaa ee habeen ka hor Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Fowsiyo oo booqatay isbitaallada Muqdisho ayaa sheegtay in ay dhaawacyadu ay kor u dhaafayaan 80 Qof, islamarkaana ay ku jiraan kuwa halis ah.

Sidoo kale waxa ay ballan qaaday in dowladdu ay garab istaagi doonto dadkaasi, islamarkaana ay u fidin doonto daryeel caafimaad.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-Cabdiqani.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this