Deeq A. Posted March 2, 2019 Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray ehelladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi. Sidoo kale Mr Guterres ayaa ku amaanay ciidanka amniga Soomaaliya, sidii ay uga jawaabeen falkaasi. Waxaana uu intaasi raaciyay in weeraradan oo kale aysan saameyn doonin horumarada ka socda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah isaga kaashadaan sugida ammaanka magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites