Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo cambaareysay weerarkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Maka Al-Mukarama ee  magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ahaa.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee QM ayaa ugu horreyn Tacsi loogu diray ehelladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi.

Sidoo kale Mr Guterres ayaa ku amaanay ciidanka amniga Soomaaliya, sidii ay uga jawaabeen falkaasi.

Waxaana uu intaasi raaciyay in weeraradan oo kale aysan saameyn doonin horumarada ka socda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ugu baaqay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay si wadajir ah  isaga kaashadaan sugida ammaanka magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this