Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo shir uga qeyb galaya Dalka Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   

Kuwait City (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa gaaray Magaalada Kuwait City, halkaasi oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Dhaqaalaha Carabta, kaasi oo ka dhici doona magaaladaasi.

Wasiirka ayaa ku amaanay madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen.

“Waxaan gaaray Magaalada Kuwait City oo aan dhawaan uga qeyb galidoono shirka dhaqaalaha Carabta. Waxaan u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo si heer sare ah iisoo dhaweeyay”ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay Hay”adda lacagta Aduunka ee IMF lagu bogaadiyey koboca dhaqaale ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this