Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo gaaray Jordan

Recommended Posts

Deeq A.   

Camaan (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomalaiya Mudane Mohamed Mursal sheikh C/raxmaan ayaa gaaray Magaalada Camaan ee Casimada wadanka Jordan.

Garonka Diyaaradaha ee caasimadda dalkaasi Urdun waxaa ku soo dhaweyey  guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Jordan Dr.Nasar Alqeysi iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka wadankaasiJordan.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka  iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan shirka 29 ee midowga baarlamaanada carabta ( Arab IPU ) oo ka dhici doona 3-4 March 2019 magaalada Jordan kaa soo socon doon ilaa labo  maalmood,kaasi oo looga hadli doona arrimo ay kamid yihiin qadiyadda magaalada Barakeysan ee Qudus ee reer Falstiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya inta uu joogo wadankasi Urdun waxaa uu kulamo la qaadan doona madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa shirkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this