Sign in to follow this  
Deeq A.

Bahda waxbarashada oo weli dalbanaya in ay cadaalad hesho caa’isha

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar kamid ah ardayda wax ka barta mac’hadka caafimaadka Xaaji Cabdi ee magaalada Garoowe ayaa saaka codkooda ku biiriyay isu’ soo baxyada cadaaladda loogu dalbayo Caa’isha Ilyaas oo si waxashnima kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Ardayda oo socod ku maray laamiga dheer iyo barxadda caasimadda Garoowe ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo lagu dalbanayo in cadaaladda la marsiiyo cid kasta ay ku caddaato jariimadii foosha xumayd ee lagula kacay Caa’isha Ilyaas.

Hay’adaha Garsoorka dowladda Puntland ayay ugu baaqeen in aysan sharciga hortiisa ugu naxariisan kuwii nolosha dhaafiyay Caa’isha si loogu taamilo (cibro) qaato islamarkaana uusan falkaan oo kale u soo noq-noqon.

PUNTLAND POST

The post Bahda waxbarashada oo weli dalbanaya in ay cadaalad hesho caa’isha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this