Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaxye Caamir “Waxii ka dhacay Maka Al Mukarama qolana waa u fashil kuwana waa u guul”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Yaxye Sheikh Caamir oo kamid ah aqoonyahada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qaraxyadii xooganaa ee habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho.

Prof Yaxye, wuxuu sheegay in ugu horeyn uu tacsi u dirayo dhamaan ehelada dadkooda waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii dhaawacmay.

Wuxuu sheegay in walaashii oo caruurteeda adeeg usoo doonatay ay ku dhaawacantay qaraxii koowaad, isaga taasi ku micneeyay in qaraxyada aysan dadka kala sooceynin marka ay dhacaan.

Mar la weydiiyay waxyaabaha keenay in Al Shabaab bartilmaameydsadaan goobaha hoteelada ayuu sheegay in ugu horeyn ay wanaagsan tahay inay iyaga ka jawaabaan, balse wuxuu sheegay in Al Shabaab iyo dowladda ay yihiin kuwo dagaal uu ka dhaxeeyo.

Wuxuu sheegay in weerarkii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab ay tahay guushooda, dhanka dowladda Soomaaliyana ay tahay fashilkooda, maadaama aysan iska difaacin weerarka Al Shabaab.

“Waxii ka dhacay Maka Al Mukarama Al Shabaab waa u guul qolada kalana “Dowladda” waa u fashil, maxaa yeelay Al Shabaab waxii ay doonayeen ayay Sameeyeen dowladda waxaa laga doonayay ka hor tag iyo ka daba tag”ayuu yiri Yaxye Caamir.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax xoogan oo sababay dhimashada iyo dhaawac dad shacab ahaa iyo burbur hantiyadeed oo ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama.

Caasimadad Online
Xafiisa Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this