Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga bartay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Dhismayaasha Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo saameynta ugu badan ay kasoo gaarto dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha dadweynaha ku badan yihiin.

Soomaalida la shaqeysa Hay’adaha Ajaaniibta ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo kuwa ku jira Ceymiska caafimaad ee Hay’addaha ayaa hela digniino amaan oo la siiyo ka hor inta aysan qaraxyada ka dhicin magaalada Muqdisho.

Taasi waxay abuuri karta shaki badan oo la xiriira inay xog kala socdaan qaraxyada dadka rayidka ku waxyeeloobeen ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana isweydiin mudan in digniintaasi lala wadaago laamaha amaanka iyo inkale.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama ayaa u muuqda mid qorsheysan oo ujeedadiisu aheyd bartilmaameydsiga xarumaha ganacsi ee ku yaala wadadaasi gaar ahaan Hotelka Maka Al Mukarama oo siyaasiyiin badan degen yihiin.

Inta badan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa la aamisan yahay inay ka kooban yihiin kuwo ujeedooyin kala duwan laga leeyahay, Qaraxyada qaar ayaa kala ah mid siyaasadeysan, mid Argagixiso iyo mid ganacsi.

Waxyaabaha laga bartay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah in kooxda weerarka qaaday ay u socdaan mid kamid ah hoteelada burburay oo ay ku qaldameen guri dad shacab ah leeyahay.

Sidoo kale waxaa laga bartay wada shaqeyn la’aanta ciidamada amaanka gaar ahaan Nabad sugiddii Booliska loo badalay iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ee Alpha Group.

Ciidamada Alpha Group ayaa gabi ahaanba diiday inay howlgalka ka qeyb qaataan kadib markii saraakiisha amaanka ay isku dhaceen, taasi oo waqtiga usii dheereysay Al Shabaab inay ku sugnaadaan dhismaha dadka shacabka ah.

Arinta kale ee laga bartay ayaa ah markii qaraxa uu dhacay kadib ay waxyeelo badan ka dhalatay baalayaasha korontada, iyadoo holac badan uu jiray, kaasi oo loo malaynayo in fuustooyin shidaal ah saarnaayeen gaariga qarxay.

Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan waaxda dab damiska ayaa ka baran kara qaraxyada dhacaya casharo kale, maadaama aysan isla waqtigii goobta imaan gaadiidka dab damiska, waxaana wanaagsan inay meelaha halista ah ku diyaariyaan gaadiidka dab damiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this