Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo dib u qabsaday 7 sano kadib saldhig ay baneeyeen ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay inay qabsadeen deegaanka Fax faxdhuun ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay baneeyeen ciidamada dowladda Kenya oo ku sugnaa todobadii sano ee lasoo dhaafay.

Ciidamadii Kenya ee isaga baxay deegaanka Faxfaxdhuun ayaa la sheegay inay aadeen dhanka iyo deegaanka Girilleey oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegay in saacado kadib markii ay baneeyeen ciidamada Kenya ay qabsadeen deegaanka, islamarkaana ay baaritaan ku bilaabeen saldhiga ciidamada Kenya ay isaga baxeen, sida lagu sheegay qoraal Al Shabaab ay ku baahiyeen warbaahintooda.

Deegaanka Faafax dhuun wuxuu kamid yahay deegaanada istiraatiijiga ah wuxuuna qiyaastii 80 Km dhanka galbeed uga beegan magaalada Baardheere, waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa qabsaday deegaankaasi bishii Janaayo ee sanadkii 2012, waxaana xiligaasi ay kusoo faafeen deegaanada dhaca dhanka xuduuda, iyaga oo ka jawaabayay weerarada kaga imaanayay Al Shabaab.

Markii dambe ciidamada Kenya ayaa qeyb ka noqday howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland, taasi oo ku aadan sababaha ciidamada Kenya ay kaga baxeen saldhigoodii deegaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this