Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoyska gurigii Al Shabaab ku qaldameen oo sheegay khasaaraha soo gaaray (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Mid kamid ah qoyska Reer Shideeye oo lahaa guriga Al Shabaab ay galeen markii ay weerareen Maka Al Mukarama ayaa ka hadlay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi.

Abuukar Shideeye oo kamid ah qoyska ayaa sheegay in isaga uu dhaawac kasoo gaaray weerarka gaar ahaan rasaas kaga dhacday qeybaha dambe ee jirkiisa, wuxuuna sheegay in hadda xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Sidoo kale Abuukar ayaa sheegay in qoyskooda shan kamid ah ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen islamarkaana mid kamid ah uu qabo dhaawac daran, balse afarta kale ay dhawacyo aan cusleyn ay qabaan.

Abuukar Shideeye, wuxuu sheegay in qaraxa koowaad markii uu dhacay uu isku dayay inuu qeybta kore ee gurigooda uu fuulo si uu xaalada u qiimeeyo, basle ay mar kaliya ay usoo galeen ciidamada hubeysan ee ka tirsanaa Al Shabaab.

Wuxuu tilmaamay in markii Al Shabaab ay gudaha guriga galeen inuu hal qol ku xiray dhamaan caruurta, balse labo kamid ah ay dhaawacyo gaareen.

Dhismaha guriga ay deganaayeen ayaa gabi ahaanba burbur kadib markii ciidamadii ka dagaalamayay la sheegay inay qaraxyo ku xir xireen kadibna uu qarxay markii ugu dambeysay.

Hoos ka dhageyso codka Abuukar Shideeye.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/03/Shideeye.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this