Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dhibaatada ugu weyn ee xaga amniga Somalia ka heysataa waa madaxda ugu sareyso”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha dhanka amaanka ayaa sheegaya in xaalada amaan ee dalka Soomaaliya ay kasii dareyso, taasina ay ugu wacan tahay madaxda dowlada oo aanan xil weyn iska saarin amaanka.

C/Salaan Guuleed taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad sugidda oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in xaalada amni daro ee Muqdisho ay noqotay mid soo laalaabata, islamarkaana ay ku badatay wadada Maka Al Mukarama.

C/Salaan, ayaa sheegay in madaxda ugu sareyso dowladnimada Soomaaliya aysan xil badan iska saarin xaaladaha dhanka amaanka ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in askarta aysan awood u laheyn inay ka hor tagaan weerarada qaraxyada ah ee loo adeegsado gaadiidka, maadaama aysan heysan tababar badan oo dhanka amaanka ah.

“Askari muddo ka badan 10 saac meel taagnaa oo aan aqoon wuxuu gaariga ka baarayo wey adag tahay inuu amni xaqiijiyo, askarta ma heystaan qalab ay isku difaacaan sida qalabka xabada karin, ma heystaan tababar ku filan, sidee askarigaa wax ku difaacayaa”.

“Aniga masuul ayaan kasoo noqday hay’adaha amniga, waana dareemi karaa meesha dhibaatada ka jirto, dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka waa madaxda sare, maxaa yeelay madaxdu ahmiyadda koowaad ma saaraan amniga, waxaa muhiim ah in wadanka uu helo dowlad dadka difaacda, hadeysan jirana waa in la yiraahdaa cid idin difaacdaa ma jirto” ayuu yiri C/salaan Guuleed.

AL Shabaab ayaa qaraxyo badan ka geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada Maka Al Mukarama.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this