Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Dilaa Ah Oo Furanaya Xarun Dhalinyaradda Laga Wacyi-galiyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Preston)-Stephen Mellor wuxuu horay xabsi ugu galay dil uu bishii Febraayo ee sannadkii 1997-kii u geystay nin ay iska soo horjeedeen oo daroogada ka ganacsan jiray.

105860027_85ae8786-af75-4794-b126-f3c924

Hadda oo uu xabsiga kasoo baxay wuxuu doonayaa in uu sameeyo xarun dhalinyarada looga wacyi galiyo khaladaadkii uu sameyn jiray isla markaana isaga ku hogaamiyay in uu dil geysto ka dibna xabsi galo.

Isagoo qisadiisa ka sheekeynaya ayuu kasoo billaabay ilaa yaraantiisii iyo sida uu kusoo barbaaray.

Waxaan ku dhashay kuna koray magaalada Preston, meel shan daqiiqo looga socdo bartamaha magaalada.

Markii aan yaraa wuxuu hamigeyga ahaa in xirfaddeydu ay noqoto dab damis, laakiin nasiib darro waxaan qaaday waddo aad iyo aad uga fog taas.

Hooyadey iyo aabahay dadaal dheer ayey u galeen iney wax kasta noo sameeyaan, balse awooddooda naguma filneyn waayo aad baan u tiro badneyn.

Waxaan bartay in aan halgami karo dadkuna waa ay i xushmeeyn jireen aniguna waa la dagaalami jiray

Sideen u sharixi karaa?

13 Jirkeyga ilaa 17 sano jirkeygii waxaan tagi jiray suuqa waxaana halkaas ku kulmi jirnay caruurta kale si aan u sameyno qorshe aan lacag ku abuuri karno.

Ma jirin waddo ama jiho midna, waxey aheed wareer, maalinba malainta ka dambeeysa xaalku wuu sii adkaanayay.

Ninkaan iyo kooxdiisa ayaa dadka magaalada waxaa ay ka codsan jireen in hadii magaalooyinkooda ay yimaadaan burcad kale ay la dagaalamaan.

Stephen Mellor marka uu dadka la dagaalo waxaa uu dadka ka qaniini jiray dhagaha, sanka waxaana dagaalkaasi uu sababi jiray in xabsiga loo taxaabo.

“Markaan yaraa Waxaan la dagaalami jiray rag badan waxaana dadku maqli jireen magaceyga, qof walbna wuu I tijaabin jiray”, ayuu yidhi.

Mr Mellor hada wuxuu ka shalaynaya anolashii u soo maray wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu hagaajiyo nolasha dadka dhalinyarada ah, isagoo doonaya ineysan qaadin jidkii uu horay isaga u qaaday.

Sidoo kale waxa uu rabaa in uu dadka, gaar ahaan dhalinyarada uga sheekeeyo nolashii mugdiga aheyd ee uu soo maray si aysan ugu qaldamin da’yarta maanta joogta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this