Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Sudan oo ka hadlay weerarkii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Khartuum (SMN) – Madaxweynaha Dalka Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir oo khadka taleefana kula soo xiriiray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Albashiir ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Suudaan ay ku garab taagan yihiin walaalahood Soomaaliya ,shacab iyo dowladba, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, falalka noocaan oo kale ah aysan hor istaagi karin dadaalka shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Albashiir ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan wuxuushnimada ah, sidoo kalena intii shahiidday uu hooygooda ka yeello jannatul fardowsa.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cumar Xasan Albashiiri xiriirka uu la soo sameeyey si uu ula wadaago  dareenkiisa walaaltinimo ee ku aaddan weerarkan arxan darrada ah ee lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this