Deeq A. Posted March 2, 2019 Kampala (SMN) – Madaxweynayaasha Kenya iyo somaliya uhuru Kenyatta iyo Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa la filayaa in bishan march ay kulan ku yeeshaan magaalada kambala ee xarunta dalka Uganda Labada madaxweyne ayaa la sheegay in ay ka qayb geli doonaan shir qaar ka mid hogaamiyayaasha qaarada afrika ay ku yeelanayaan dalka Uganda Kulanka oo looga hadlayo arimo ku saabsan horumarka qaarada ayaa waxaa ka qayb galaya madaxweynayaasha dalalka masar,south Africa,Rwanda,somaliya iyo Kenya Kenya iyo somaliya ayaa waxaa dhawaan dhex maray khilaaf la xiriira muranka lahaanshaha badda ee xadka ay wadaagaan labadda dal Waxaana khilaafka hareeyay labada dal u sababay in ay u kala yeertaan safiiradooda Kenya ayaa si weyn ugu carootay qorshe dowladda ay somaliya ee magaalada London ugu soo bandhigay qorshe ay ku iibineyso saliideeda View the full article Share this post Link to post Share on other sites