Sign in to follow this  
Deeq A.

Per Brinkemo: Nin dunida ka iibiya been abuur uu ka sameeyay Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Stockholm (Caasimada Online) – Per Brinkemo, waa ninka qoray buug ugu magac daray Mellan Klan och Stat (Qaran iyo qabiil dhexdooda) oo ku falan qeeynayo sida Soomaalida u tahay dad qabiilka aaminsan wax kastana kaga horeeysiiya nolosha.

Xiiso iguma heeyso inana faalleeyo buuggisaan, balse waxaa jirta inuu been badan soo dhoo dhoobay toos oo gebi ahaanba soomaalida ku sheegayo ineey yihiin dad aan aqoon laheyn waxna akhrin oo aan qorin.

Hadaba ninka noocaas ah ayaa buuggagtiisa jaamacadaha dalkaa Sweden u ah ilo ay ka soo xigtaan raad-raaca marka ay doonayaan in ay wax ka qoraan soomaalida.

Muhiimadda hadalkeeyga shaqsiyaadka noocas ah ee mooda ineey aqoon badan u leeyihiin Soomaalida ayaa oran lahaa il gaar ah ha lugu eego hana lagala doodo qurunka ay bulsheedeenna ka sheegayaan ugu yaraan sharciga loo tiigsan karo haddiiba loo baahdo.

Dhulkii Soomaaliyeed ayuu tagay oo uu dharkoodiina xirtay markaas uu si aan xishood lahayn uga been sheegay. Waa halkiii laga yiri: “Ciirtaa dhama ayaa ceeyda yaqaana.”

Waxaa Diyaarisay: Ikraan Cali Kaar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this