Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Saudi Arabia oo qaadatay go’aan ka dhan ah Xamza Bin Laden

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa muwaadinnimada ka xayuubisay Xamza Bin Laden, oo uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qacida ee dhintay Sheekh Osma Bin Laden, waxaa sidaas lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha, oo lagu daabacay wargeyska dowladda ee Um al-Qura, ayaa lagu sheegay in go’aanka dhalashada looga qaaday Xamza lagu gaaray amar boqortooyo oo soo baxay bishii November ee 2018.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa khamiistii waxay sheegtay inay hal milyan oo dollar oo abaal-marin ah ku bixineyso ciddii keenta akhbaar hoggaamin karta halka uu joogo Xamza.

Xamza oo la rumyesan yahay inuu yahay 30 jir ayaa ka hor weeraradii September 11 waxa uu aabihiis la joogay Afghanistan kadibna Pakistan, markii ay ka carareen Afghanistan.

Xamza oo sanaddii 2015 cod muuqaal ah lasoo duubay hoggaamiyaha Al-Qacida Ayman Al-Zawahiri, ayaa cod dhallinyaro oo cusub siiyey kooxda, oo hogaamiyayaasheeda ay gaboobeen, si uu u dhiiri-geliyo mintidiinta.

Waxa uu ku baaqay weeraro ka dhaca caasimadaha dalalka reer galbeedka iyo in looga aragudo dilkii aabihiis ee Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu beegsan doono Mareykanka jooga dibedda, isaga oo qabiilada Sacuudiga ku booriyey inay la midoobaan kooxa Al-Qacida ee Yemen, lana dagaalamaan Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this