Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Siyaasiyiin kulmay oo ka walaacsan qorshe looga shakisan yahay dowladda’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in kulamo uu la yeeshay siyaasiyiin badan lagu muujiyey walaac laga qabo doorashada 2020 iyo qorshe ay dowladda rabto inay waqtiga ku korarsato.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inaysan jirin cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah, islamarkaana muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada ay ka harsan tahay in ka yar labo sano.

Qoraal arrintaas ku saabsan oo uu Cabdiraxmaan soo dhigay bartiisa facebook hoos ka aqri.

Labadii todobaad ee ina dhaafay kulamo aan la yeeshay siyaasiyiin isugu jira madaxweynayaal dawlad Goboleedyo xilka haya iyo kuwo hore, hoggaamiyayaal Xisbi, xildhibaano labada aqal ka tirsan iyo xubno beesha caalamka ka mid ah, waxay dhamaantood si isku mid ah walaac uga qabaan qabsoomida doorashada 2020. Sababtuna waa in aysan muuqan saansaan dalka doorasho looga qabanayo.

Waxaan kaloo warkeeda helaynaa in ay jiraan isku day Villa Somalia ku doonayso mudo kodhin. Ma aha in waqti la isaga lumiyo hawl aan miro dhal lahayn oo horayna u dhicin, hataana suuragal noqon doonin. Ma jirto cid aqbalaysa hal maalin oo mudo kordhin ah.

Muddadii sharciga ahayd ee hogaanka dawlada waxaa ka harsan in ka yar labo sano ah, weli waxay haysataan fursad sharciyada hoggaan loo ogol yahay. Waxaan uga digaynaa isku dayga muddo kororsiga ah in uu meesha ka saarayo sharciyada iyo aqoonsiga hoggaan. Waxaa taa bedelkeeda kula talinaynaa in ay ku mashquulaan ka miro dhalinta

1- In Heshiis laga gaaro hannaanka doorashada 2020 ka.

2- In la Qabyo tiro Dastuurka ku meel gaar ka ah

3- In dib loo bilaabo wadahadalkii Somalia iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this