Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydad horleh oo laga soo saaray burbur dhismayaashii dumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Kooxaha gurmadka ayaa meydad horleh kasoo saaray burburka dhismayaasha ku yaala wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho oo qarax xoogan Al Shabaab ku weerareen.

Waxaa wali goobta ka socota olole nadaafadeed iyo baadi goobka dad kale oo la tuhunsan yahay inay ku jiraan dhismayasha dhexdooda, maadaama burbur xoogan uu gaaray qaar kamid ah dhismayaasha wadada ku teedsan.

Llabo ruux oo mid kamid ah uu yahay wiil dhalinyaro ah ayaa laga soo saaray burburka dhismaha Maqaayada Hillaac UK oo ku dhagan hotelka Maka Al Mukarama oo Al Shabaab ay weerareen.

Waxaa goobta ka shaqeynaya gaadiidka loo yaqaan Cagafta waxaana la ogeyn sida xaalka noqon karo, maadaama sida la sheegay ay jiraan dad badan oo ehelkooda ay raadinayaan.

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen dhismayaasha Maka Al Mukarama ayaa sababay dhimashada inka badan 20 ruux iyo dhaawaca ku dhawaad 60 ruux, kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayay ku qaadatay ku dhawaad 17 saacadood inay soo afjaraan weerarka ka dhacay Muqdisho, waxaana Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayeen guri ku yaala meel aan ka fogeyn hotelka Maka Al Mukarama.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this