Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagjirka taageera Israel ee u ololeenaya Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa todobaadkan lagu daabacay qaar kamid ah warbaahinta ka hadasha siyaasada Maraykanka qoraal loogu ololeenayo Maamulka Somaliland oo uu qoray mid kamid ah xagjirka sida weyn u taageera Israel kana soo qeyb qaatay dagaaladii Ciraaq iyo Afghanistan.

Waa kuma Michael Rubin?

Ninkan oo lagu magacaabo Michael Rubin ayaa horey uga soo shaqeeyey Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) isla markaana hada ka shaqeeya hay’ada [American Enterprise Institute (AEI)] oo si weyn uga shaqeysa siyaasada ka dhanka dalalka Islaamka iyo Muslimiinta, kooxdan ayaa si weyn ugu ololeeya farogelinta Maraykanka ku hayo bariga dhexe iyo waliba taageerida indho la’aanta ah ee Israel.

Mr.Rubin oo kamid ahaa raggii u ololeenayey inqilaabkii dhicisoobay ee la doonayey in lagu rido Madaxweynaha Turkiga Erdogan, ayaa sidoo kale tafaftire ka ah joornaalka [Middle East Quarterly] oo lagu yaqaan muslim naceybka iyo siyaasada xagjirka ah ee Maraykanka ee ku aadan dalalka Islaamka gaar ahaan wadamada Bariga Dhexe, wuxuuna casharo looga hadlayo Bariga-dhexe kasoo jeedin jiray jaamacada labaad ee Israel [Hebrew University] oo ku taal magaalada Qudus.

Neocon / “Israel lobby”

Qoraagan Michael Rubin ayaa kamid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo si weyn ugu ololeeya Warshadaha hubka soo saara ee ka shaqeeya dagaalada joogtada ah ee uu Maraykanka ka wado caalamka.

Rubin ayaa horey usoo noqday madaxa xafiiska Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka u qaabilsan dalalka Ciraaq iyo Iran sida tooska ah ulla shaqeenayey maamulkii Maraykanka u sameeyey Ciraaq markii xukunka laga tuuray Sadam Xussen, wuxuuna hada casharo la xariira dalalka Bariga-Dhexe iyo Islaamka siiyaa saraakiisha Maraykanka

Somaliland 
Michael Rubin ayaa todobaadkan qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland.

Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”.

“Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.”

Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa.

Puntland

Dhinaca kale qoraal labaad oo isla todobaadkan uu ku qoray shabakada hay’ada uu u shaqeeyo ee [American Enterprise Institute (AEI)] ayuu diirada ku saaray Xiisada ka dhex taagan Puntland iyo Somaliland, isagoo ku dooday in xurgufta Puntland iyo Somaliland aysan caqabad ku noqon Aqoonsiga Somaliland!

“Should Puntland dispute freeze Somaliland autonomy?” (My latest for @AEIdeas and in response to points raise by @alihwarsame): https://t.co/idgAUXnAVb @AEIfdp #Somaliland #Puntland #Somalia

— Michael Rubin (@mrubin1971) February 22, 2019

Michael Rubin oo u jawaabayey qoraal uu Twitter-ka qoray Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa su’aalo iska weydiiyey in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay caqabad ku noqoto in la aqoonsado Somaliland.

But, does diversity and even disputes about Somaliland’s eastern border with Puntland, one of Somalia’s federal states, undercut recognition of Somaliland as a distinct entity?

Somaliland iyo Israel

Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin.

Waxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysalwasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin.  Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah!

cogaal.jpgMaxamed Ibraahim Cigaal

Cigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii:

“Establishing Strategic Partnership with the State of Israel

Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.”

My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.”

Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence.

In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country.

Your Obedient Servant
Mohamed Ibrahim Egal
President Republic of Somaliland

Halkan ka akhriso Warqadii Cigaal oo dhameystiran.

Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post.

Israel-Somaliland-JPost-732x740.jpgIsla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland.

Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn.

Waxaana weligood arrintan ka hadlin Culumaa’udiinka Somaliland oo aan illaa iyo hada soo hadal qaadin siyaasada dibada ee Somaliland oo udub-dhexaad looga dhigay walaaleynta Israel iyo Hargeysa!

W/Q: Maxamed Cismaan 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this