Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa UNDP oo booqday Wasaaradda Cadaaladda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi uu   hoggaaminayo Madaxa ugu Sareeya Hay’adda UNDP Sayed Sahibzada ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe.

Mr Sayed Sahibzada Madaxa ugu Sareeya UNDP Puntland ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adda UNDP ayaa ka wada-hadlay qodoba ay kamid yihiin Qorshaha 2019 ee Mashruuca UNDP ka taageerto Wasaaradda( Somali Joint Justice Program) iyo Dardargalinta Wadashaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Cadaaaldada.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda  Cadaaladda & Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ayaa ogaysiiyay madaxa UNDP   in wasaaradda Cadaaladu ay hogaamiso dhammaan wasaaradaha Puntland loogana danbeeyo  Arrimaha  Cadaaladda Puntaland nadaam ahaan(as protocol).

Gabogabadii, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland  Cawil Shiikh Xaamid Maxamed ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNDP sida wacan ay ula shaqayso Dawladda Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda.

IMG-20190301-WA0006.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190301-WA0007.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190301-WA0004.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190301-WA0009.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190301-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1 IMG-20190301-WA0008.jpg?w=1000&ssl=1


DHAMMAAN

The post Madaxa UNDP oo booqday Wasaaradda Cadaaladda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this