Deeq A. Posted March 1, 2019 Wefdi uu hoggaaminayo Madaxa ugu Sareeya Hay’adda UNDP Sayed Sahibzada ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid xarunta wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland ee magaalada Garoowe. Mr Sayed Sahibzada Madaxa ugu Sareeya UNDP Puntland ayaa bogaadiyay Wasiirka Cusub ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed. Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adda UNDP ayaa ka wada-hadlay qodoba ay kamid yihiin Qorshaha 2019 ee Mashruuca UNDP ka taageerto Wasaaradda( Somali Joint Justice Program) iyo Dardargalinta Wadashaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Cadaaaldada. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta ayaa ogaysiiyay madaxa UNDP in wasaaradda Cadaaladu ay hogaamiso dhammaan wasaaradaha Puntland loogana danbeeyo Arrimaha Cadaaladda Puntaland nadaam ahaan(as protocol). Gabogabadii, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamid Maxamed ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNDP sida wacan ay ula shaqayso Dawladda Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda. DHAMMAAN The post Madaxa UNDP oo booqday Wasaaradda Cadaaladda Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites