Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre “Jawaab ayaan ka bixineeynaa qaraxyadii Shabaab ay geeysteen”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray isbitaallada iyo goobtii ay Al-Shabaab weerartay.

Kheyre ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii guryagooda ku qabsatay dagaalada iyo qaraxyada.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale Ra’isilwasaare Kheyre aayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan Al-Shabaab oo ay jawaab deg deg ah ka bixin doonaan qaraxyadii ay Al-Shabaan ka geeysteen Muqdisho.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya howgal culus oo Al-Shabaab looga saarayo goobaha ay kaga suganyihiin Soomaaliya.

Puntland Post Muqdisho office

The post RW Kheyre “Jawaab ayaan ka bixineeynaa qaraxyadii Shabaab ay geeysteen” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this