Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in ay oo nolol ku baxsadeen qaar ka mid ah dableydii weerarka Maka Almukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Howlgalkii ee dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Makka Al Mukarrama ayaa soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa, Iyadoona Xarakada Al-Shabaab ay si hordhac ah kaga hadashay weerarka ay ku qaaday dhismahaasi.

Afhayeenka ciidanka  Al Shabaab  Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu soo gabagaboobay fiidnimadii hore ee caawa,

“Hawlagalkeenii gaarka ahaa ee ka socday magaalada Muqdisho si guul ah ayuu kusoo dhamaaday, waxaa lagu beegsaday hoteel ay ku badanyihiin xubnaha ka tirsan hay’adaha kala duwan oo Dowladda ah. Tobanaan kamid ah ayaa halkaas lagu dilay, kuwo kalena waa lagu dhaawacay. ” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab ayaa ka warramay raggii iyaga ka tirsanaa ee weerarka ka qayb qaatay.

” Afar kamid ah Ciidamadeena hawlgalka fuliyay ayaa goobta ku shahiiday halka qaar kalena iyagoo badqaba ay soo laabteen kadib markii ay hawgalkii guulaystay  ay soo fuliyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan ee weerarka uu soo gaaray Ciidamada  dowladda oo tan iyo xalay isku dayaye in ay soo afjaraan weerarka kuwaas oo dhowr jeer ku jabay weeraradii ay ku qaadeen dhismaha sida ay sheegtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ma sheegin tirada dableyda dib u laabtay iyadoo bad ah, mana jirto sidoo kale illo ka madax banaan oo arrintaas xaqiijiyey.

Weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu dheeraa ee muddooyinkaan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa qaatay ku dhawaad muddo 20 saacadood ah, waxaana uu geystay khasaare baaxadleh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this