Sign in to follow this  
Deeq A.

Kheyre oo 24 saac kadib ka hadlay xasuuqii Maka Al-Mukarama iyo Farmaajo oo weli aamusan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa 24 saac kadib iyo dhimashada 30 qof iyo dhaawaca ka badan 100 ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii Maka Al-Mukarama.

Kheyre oo warbaahinta la hadlay kadib markii uusoo kormeeray isbitaallada iyo goobtii argigixisadu soo weerartay ayaa u mahad celiyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee bad baadiyey dadkii argigixisadu guryagooda ku qabsatay.

Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale u mahad celiyey dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha badbaadiyey dhaawacyada, sidoo kalena waxa uu u mahad celiyey dadka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqay walaalahood dhibaatadu soo gaartay.

Dhinaca kale, Kheyre waxa uu sheegay in dowladda ay dadaal ku bixineyso dib u habeyta, tayeynta iyo qalabeynta Ciidammada Qalabka, dadkuna ay arki doonaan natiijadaas dhowaan.

Dhinaca kale, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan weli ka hadal weerarka, islamarkaana aan wax tacsi ah u dirin dhibanayaasha weerarka.

Shacabka ayaa aad ugu dhaliilay madaxda dalka inay saacado ku qaadato in shacabka ay u niyad dhisaan ugu yaraan haddii aysan wax kale u qaban karin, ayadoo mararka qaarna aysanba la hadal.

Dadka qaar ayaa aaminsan in madaxda aysan hayn wax ay shacabka u sheegaan maadaama amnigii dalka ay ku fashilmeen, halka kuwa kalena ay aamusnaantooda ku macneeyeen yasmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this