Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo ka jawaabtay hadalkii DAAHIR GEELLE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa gaashaanka u daruuray hadal ka soo yeeray wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay gaashaan ka dhigteen dad shacab ah, taasna ay u suuragelin weysay in ay soo afjaraan weerarka waddada Maka Al-Mukarama.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in wax guryo shacab ah aysan ka dhaweyn halka lagu dagaalamayo, sidoo kalena aanay dad shacab ah ka dhaweyn goobaha ay iska horimaadyadu ka socdaan oo ah Hotelka Maka Al Mukarama iyo gidaarradiisa.

Geelle, ayaa sheegay in ay Argagixisadu beegsadaan, goobaha ay Bulshado ku isugu timmaaddo, sida Suuqyada, Hoteellada, Dukaamada, Waddooyinka iyo Guryaha la deggen yahay, iyagoo Dadkaasina dembi ugu dhigaya in ay Danahooda haysteen, iyagoo diiddayn in ay ganacsatada Soomaaliyeed maalgashtaan Dalkooda.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ayaa muddada dheerayd ee ay Ciidamadu ku qaadatay howl-galka soo Afjariidda Argagixisada ku macneeyay in ay gabbaad ka dhigteen Dad Shacab ah oo ay Guryadooda ku sugnaa.

Wasiir Geelle, ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Garab istaagaan Ciidamada Ammaanka, si looga gaashaanto in aysan gabbaad ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this