Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Alpha Group oo la wareegay howl-galka Maka Al-Mukarama (Xog)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda howlgalka ay ciidmada dowladda Soomaaliya ka wadaan dhismo ay xalay gudaha u galeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku dheggan maqaaxida Hilaac UK.

Xog nasoo gaartay ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay tababareen Alpha Group iminka si rasmi ah loogu wareejiyey howl-galka, si ay Shabaabka uga saaraan dhismaha ay ku jireen.

Booliiska ayaa horey u sheegay inay soo geba gebeeyeen howl-galka, hase yeeshee, ilo wareedyo Alpha Group ka tirsan ayaa beeniyay sheegashadii ciidanka booliska ee ahaa in la soo gabagabeeyay weerarkii agagaarka Maka Al-Mukurama iyo dhismayaasha ku dhow dhow.

Alpha Group ayaa wararku ay sheegayaan inay illaa xalay diidanaayeen inay goobta galaan, shuruudna ka dhigtay in nabad-sugidda loo beddelay booliska meesha laga saaro.

Dowladda xog buuxda kama aysan bixin inta ay yihiin ragga gudaha u galay dhismaha, khasaaraha weerarka ka dhashay iyo haddii ay jiraan rag ay ka dileen kooxda gudaha ka dagaalameysa.

Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxyada iyo weerarkii xigay, ayada oo 40 kale ay dhaawac yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this