Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Al-Shabaab oo ku adkeysaneysa inay ku jiraan hotelka iyo hadal yaab leh oo kasoo baxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xarakada Shabaab ayaa wali dagaal culus uga jira dhismayaal ku teedsan wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho sida lagu faafiyey warbaahinada Al-Shabaab.

Howlgalka oo socda wax ka badan 21 saacadood xiriir ah ayaa sababay khasaara lixaad leh oo gaaray Dad u badan shacabka.

War goordhow kasoo baxay Xarakada Shabaab ayay ku sheegtay in maanta oo kaliya ay dishay illaa 9 askari oo ka tirsan kuwa Bangarafaata ee Mareykanku tababaray kuwaas oo isku dayayay in ay soo afjaraan howlgalka.

Al -Shabaab waxay xaqiijisay in Meydadka askar farabadan ay daadsanyihiin dhismayaasha ciriiriga ah ee dagaalladu ka socdaan, xoogaga ka dagaallamaya gudaha Hoteelka ayaa iska caabiyay weeraro isdaba joog ah oo uga imaanayay ciidamo Caddaan ah iyo dowladda sid ay Al-Shabaab sheegatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dhankeeda sheegtay inay soo afjartay weerarkii Shabaab soo qaadeen balse waxaa weli Hotelka laga maqlayaa Rasaas.

Weerarkaan ayaa noqday midkii ugu waqtiga dheeraa oo ay Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya waxayna dowladda ku micneysay arrintaas inay Shabaab gabaad ka dhigteen guryo dad shacab ah dagan yihiin taasna ay keentay in waqtigaan la isla soo gaaro sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this