Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Maraykanka Oo Lacag Dul Dhigtay Wiil Uu Dhalay Osama Bin Ladin.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Dawladda Maraykanka ayaa hal milyan oo doolar siinaysa ciddii war ka keenta Xamza oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usama Bin Laden.


Waxaa soo muuqanaysa in Xamza Bin Laden uu noqonayo hogaammiye muhiim ah oo ka tirsan kooxaha jihaaddoonka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

3A4C90A9-F965-4FEB-BC94-30698FDE0AC4.jpe

Sannadihii dambe wuxuu soo duubayay codad iyo muuqaallo uu qolyaha taageersan uga codsanayo in ay weeraraan Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka, si ay ugu aaraan dilkii aabihii.

Ciidammada sida khaaska ah u tababaran ee Maraykanka ayaa Osama Bin Laden ku dilay Pakistan sannadkii 2011.
Wuxuu ansixiyay weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11 Sabteembar ee sannadkii 2001, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo ruux.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this