Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin Ku Saabsan Qaraxyadii Muqdisho Ka Dhacay Iyo Wararkii U Danbeeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Muqdisho)Xaaladda magaalada Muqdisho ayaan weli deganayn kadib xalay ay ka dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah kuwaas oo lala eegtay goobo ganacsi iyo hotel ku yaal bartamaha wadada maka-almukarama ee magaalada Muqdisho.

D3C1A383-DA3F-4354-9FD2-7CAE2665D37A.jpe

Qaraxa koowaad ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan qeybha magaalada Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku dhegan hotelka caanka ah ee maka Almukarama waxaana jira khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo Gaaray dad ganacsiyo ku lahaa goobtaas iyo kuwa kale oo ku tamashleynayay iyo dad kale oo iyaguna ku socda oo saarnaana gaadiidka dadweynaha.

Qarax kale ayaa ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn goobtii hore isla gelinkii hore waxaana la sheegay in uu aad u yaraa khasaaraha qaraxa dambe,waxaana jiray risaas toos ah oo ay isku adeegsanayaan ciidamada amniga iyo debleydii weerarkii fuliyay oo ka tirsanaa Alshabaab.

Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in weli rasaas iyo qaraxyo ay ka dhacayaan gudaha hoteelka Hilaac UK taas oo ka dhigan in weli ay ka dhex dagaalamayaan kooxdii weerarka soo qaadday,waxaana khasaaraha ilaa iyo haatan la sheegay in uu gaarayo in ka badan 15-ruux oo dhimasha ah iyo dhaawac 50-kale in kasta oo ilaa iyo haatan uu socdo gurmadku.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this