Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) – Maxamed Nuur, oo ah Soomaali Maraykan, kana mid ahaa Saraakiisha Boliiska ee Dalkaasi ayaa mar kale wajahaya Maxkamad, markii lagu eedeeyay dilka Haweeneey Australian ah Sanaddii 2017-kii.

Mr Nuur oo 33 Jir ah, ayaa Bishii March ee 2018-kii la dhagaystay dacwadaha loo haysto, waxaana Maanta oo Jimca ah lagu wadaa inuu mar kale kasoo muuqdo Maxkamadda Minneapolis.

Justine Damond, oo la dilay 15-kii July 2017-kii, ayaa ka timid Magaalada Sdney ee Dalka Australia, waxanay Magaalada Minneapolis kula nooleyd Nin ay xiriir wadaag ahaayeen.

Maxamed Nuur, ayaa haddii lagu helo in uu si ula kac ah u toogtay Haweeneydan, waxa uu wajihi doonaa Xabsi dheer oo aan la ogeyn in uu noqon doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this