Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgal lagu soo afjarayo weerarkii xalay oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa howlgal ka wada dhismayaal ku yaalla wada Maka Al Mukarama.

Goobaha ay xoogaga dowlada beegsanayaan ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan dableydii soo qaaday weerarkii xalay.

Saraakiisha ayaa ku adkeysanaya in ay doonayaa in ay soo afjaraan weerarkaan oo qaatay in ka badan tobban saacadood.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay ku geeryoodeen ku dhowaad 25 ruux.

Dhaawaca ayaa la tilmaamay in uu ka badan yahay 60, kuwaasi oo lala cararay goobaha caafimaadka si loo daaweeyo.

Burbur xoogan ayaa soo gaarey dhismayaasha ku yaalla meesha ay wax dhaceen oo ay ku yaaliin Hoteelo dhowr ah, sida Maka Al Mukarama iyo Hilaac UK.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratay mas’uuliyada falkaan ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hoteel-ka Maka Al Mukarama.

Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku saabsan fahfaahinta khasaaraha.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this