Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada amniga oo gudaha u galay gurigii Al-Shabab ku qaldameen

Recommended Posts

Deeq A.   

Mqudisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka waxaa u suura gashay inay gudaha u galaan mid kamid ah dhismayaasha uu saameeyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada ay gudaha u galeen guriga reer SHideeye oo xalay la sheegay inay Al Shabaab gudaha u galeen kadib markii ay ku qaldeen goobta ay doonayeen inay weeraraan.

Waxaa la arkay ciidamada amaanka oo dad waayeelo ah kasoo badbaadinaya guriga Reer SHideeye oo caan ka ah deegaanka, maadaama ay muddo badan deganaayeen.

Gudaha guriga ay degenaayeen qoysaskan ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo ka dhashay rasaas xoog leh oo la isweydaarsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 ka mid ah qoyska halka ilmo yarna uu ku dhintay sida ay sheegeen xubno ka tirsan dadka la soo badbaadiyey.

Labo Qarax oo loo malaynayo Bamka gacanta laga tuuro ayaa guriga dhexdiisa laga maqlay  ka hor inta aysan ciidamada amaanka gudaha u galin, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay dad ku sugnaa gudaha Guriga.

Ciidamada amniga ayaa sheegay iney dileen inta badan dableydii weerarka soo qaaday balse uu jiro mid ka mid ah dableyda oo la sheegay in isagoo dhaawac ah soo ridaya rasaas iyo bambooyin.

52800504_2290411337884597_41481653224126

53233374_413003339454625_70338915543893952976977_2290411391217925_31722718685518 53155128_2290411331217931_91706818591037 53251509_2290411441217920_90666790413475

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this