Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxa ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Sida ay goob joogayaal sheegeen, diyaaradahan ayaa duqeeyey saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada kala ah Galxamure, Astaan iyo degaano kale.

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, iyadoo aanay jirin wax faah faahin ah oo ay saraakiisha xoogga dalka ka bixiyeen arrintaasi.

Dowladda Maraykanka ayaa xoojisay howlgallada dhanka ah cirka ah ee ay ka fulineyso deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this