Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa 1aad ayaa lagu weeraray Hotel Maka Al Mukarama, halka midka 2aad uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hotel Naasa Hablood 1 ee ku dhow KM4.

Inta la xaqiijiyey 10 ruux oo shacab u badan ayaa u dhimatay weerarkii Maka Al Mukarama, halka tirro kale oo intaasi ka badan ay  ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkaan, iyada oo sheegaysa in dagaalyahano ka tirsan ay gudaha hotel-ka ay ku jiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in rasaas iyo qaraxyo goos-goos ah wali la maqlayo.

Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan weerarkaan oo kasoo baxay laamaha amaanka ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this