Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxyadii Muqdisho oo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saraakiisha caafimadka ayaa xaqiijiyey in tirada dhimashada ee qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho ay gaareyso in ka badan 25 ruux.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in bartilmaameedka weeraradaasi ay ahaayeen Hotel Maka Al Mukarama ee caasimada dalka.

Ciidamada amaanka oo la tacaalaya dabley gudaha u gashay Hoteel-ka ayaa soo badbaadiyey dad badan oo shacab ah.

Dowladda ayaa la sheegayaa in saacadaha soo aadan ay fahfaahin ka bixin doonto tirada guud ee wax ku noqotay weeraradaan.

Qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya iyada oo amniga caasimada uu soo hagaagayey mudooyinkii dambe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this