Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abshir Cumar oo ahaa bartilmaameedka weerarkii iyo qaraxyadii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha booliiska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday bartilmaameedka weerarkii iyo qaraxyadii xalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa hotel Maka Al-Mukarama. Hase yeeshee, Maxamed Xuseen oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in bartilmaameedka dhabta u ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka Soomaaliya, Abshir Cumar.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhow guriga guddoomiyaha, waxaana la sheegay in dagaal uu xooggan uu dhex-maray ciidamada ilaalada ka ahayd guriga iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Markii qaraxa uu dhacay ayaa la sheegay in maleeshiyada Shabaab ay durbo kusoo dhaqaaqeen guriga ayaga oo isku dayey inay gudaha xoog ku galaan, balse ciidanka ay dagaal culus kala kulmeen.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qarax uu saqafka ka qaaday guriga Abshir, kadibna dagaal xooggan uu ka dhacay dibedda guriga. Guddoomiyaha ayaa la sheegay inaysan wax dhibaato ah gaarin.

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen qaraxyadii iyo weerarkii xigay, halka 40 kale ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this