Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kusoo kordhay qaraxyadii ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali cakiran in dadka qaar oo go’doonsan kasoo baxaan dhismayaasha ku dhow Hotel Maka Al Mukarama, iyadoo burbur lixaadle uu ka muuqdo dhismayaasha u dhow halka xalay qaraxa xoogan uu ka dhacay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in xaaladda waxyeelada ay intaasi ka badan laheyd, balse mid kamid ah dadka ku sugnaa hotelka Hillaac UK ayaa sheegay in dadweynaha uu ku wargeliyay inay ka cararaan goobta kadib markuu ka shakiyay gaari si xoogan ku socday oo gaadiidka dhex jiirayay.

“Khasaaraha wuu ka badan lahaa intaan ee ruux ku sugnaa goobta ayaa ku qeyliyay “Ka cararaa waa gaari qaraxe” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkii xalay dhacay.

Dhaawacyo badan ayaa yaala isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood u baahan inay dhiigag helaan, waxaana ciidamada xalay ay xireen waddooyin badan oo ku yaala Maka Al Mukarama, maadaama gaari laga shakiyay uu goobta yaalay.

Xalay gaari Premio ah oo ciidamada amaanka ay eryanayeen ayaa ku qarxay wadada 21 October ee degmada Waaberi, waxaana la sheegay in la aamisan yahay inay ka dageen kooxda weerarka qaaday.

Dhismayaasha Hillaac Uk, Hotel Wardheere iyo dhismo Shaqsi leeyahay oo ku dhow ayaa burbur ka dhashay wuxuu saameeyay dadka ugu badan oo halkaasi ku shaaxayay, sidoo kale Hotelka Maka Al Mukarama ayaa waxaa gaaray burbur xoogan.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in gudaha u galeen Hotelka ay weerareen islamarkaana ay ka dhex dagaalameen.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin weerarkaan, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this