Sign in to follow this  
Deeq A.

Raggii weeraray Maka Al Mukarama oo la sheegay inay guri Shacab leeyahay ku qaldameen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dhawaaqa rasaas waaberigii saaka laga maqlayay halkii xalay weerarka uu ka dhacay.

Xogo dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in Al Shabaabkii weerarka qaaday ay ku qaldameen dhisme dad shacab ah leeyihiin oo ku yaala agagaarka Hotel Hillaac UK, halkaasi oo ay ilaa xalay ay ku jireen.

Qaraxa oo aad u xooganaa islamarkaana sababay burbur xoogan oo dhismayaasha ah ayaa lagu waramayaa inay sababtay inay ku dhacaan guri dad shacab ah leeyihiin oo laamiga saaran, kaasi oo ku dhagan hoteelada Hillaac Uk iyo Warsheere.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in ragga hubeysan oo lagu qiyaasay afar ruux ay u dhaceen guriga Reer Shideeye oo ku dhow dhismayaasha hoteelada qaraxyada ay haleeleen.

Warar saaka soo baxay ayaa sheegay in ragga hubeysan ay galeen mid kamid ah qolasha guriga halkaasi oo xalay ay ku hoydeen, waxaana la sheegay inay saaka halkaasi Bambooyin kasoo tuurayeen.

Marar badan ayay dhacday Al Shabaab inay galaan dhisme Shacab degen yihiin iyaga oo doonaya inay weeraraan mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

Lasoco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this